Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay in diblomaasi Justin Davis uu si buuxda ula wareegay xilka Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya (Chargé d’Affaires, a.i.), kaddib qoraal lagu baahiyay barta X (Twitter) ee Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

Bayaan kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ayaa lagu sheegay in magacaabista Justin Davis ay ujeedadeedu tahay in la hubiyo sii socoshada iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Mareykanka iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, xilli uu gobolku wajahayo isbeddello amni iyo kuwo siyaasadeed.
Safaaraddu waxay sidoo kale tilmaantay in Davis uu ka shaqeyn doono horumarinta danaha Mareykanka ee Soomaaliya, iyadoo la raacayo siyaasadda “America First” ee maamulka Madaxweyne Donald Trump, taas oo mudnaanta siinaysa amniga Mareykanka, xasiloonida gobolka iyo iskaashiga la dagaallanka argagixisada.
Justin Davis ayaa horey u soo qabtay xilal diblomaasiyadeed oo kala duwan, waxaana laga filayaa inuu sii wado wada-shaqeynta dhow ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah, si loo taageero nabadda, horumarka iyo dowlad-dhiska dalka.
Magacaabistan ayaa imaneysa xilli Mareykanku uu si weyn u kaalin muuqata ugu leeyahay dadaallada la dagaallanka Al-Shabaab iyo taageeridda hay’adaha amniga Soomaaliya, taasoo ka dhigeysa doorka Ku-simaha Safiirka mid xasaasi ah marka loo eego xaaladda dalka.
Safaaradda Mareykanka ayaa muujisay in ay sii wadi doonto ballan-qaadkeeda ku aaddan taageerada shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda, iyadoo Justin Davis uu noqday wakiilka ugu sarreeya ee Mareykanka ka jooga Muqdisho inta la magacaabayo safiir rasmi ah.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag