
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa afduubka iyo xad gudub ku tilmaantay falkii ay ciidamada PMPF ee maamul Goboleedka Puntland ku qabsadeen markabka SEA WORLD.

Afduubka markabkan ayay dowladda Soomaaliya ku eedaysay inay fuliyeen kooxo ka tirsan Dowlad-Goboleedka Puntland.
DFS waxay markii ugu horeysay caddeysay in Markabku uu ku soo jeeday Dekedda Muqdisho, isla markaana uu siday qalab ciidan oo sharci ah, loona waday Xarunta Tababarka Ciidamada ee TÜRKSOM.
Dowladda federaalka oo soo xigatay Qodobka 54aad ee Dastuurka KMG, ayaa caddeysay inay u xilsaaran tahay difaaca amniga qaranka bad iyo berriba.
Haddaba waxaa la sugayaa tallaabada ay qaadi karto dowladda Federalka haddii ay Puntland diido inay sii deyso markabka ama ay la wareegto Hubka saaran oo ah mid culus.
Maamulka Sciiid Deni ayaan weli wax go’aan ah ka qaadan Markabka iyo Hubka saaran, balse waxay o sheegtay inay baaritaan ku wado.
XAYIRAAD:
DFS waxay xayiraad saari kartaa xeebaha Puntland oo loo aqoonsan karo goob halis ah oo Burcad badeed ka howlgasho.
Waxaa kaloo ay qaadi kartaa in ciidamada badda Puntland ee PMPF oo ka danbeeyay qabsashada markabka Sea World ay u aqoonsato sharci darro iyo burcad badeed. Sida la ogyahay waa ciidamo ay tababartay oo ay gacanta ku heyso dowladda Imaaraadka oo xiriir dhow la leh Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni.
WEERAR:
Tallaabada kale ee DFS la saadaalin karo inay qaado ayaa noqon karta weerar si loo soo furto markabka Hubka sida oo hadda ku xiran dekadda Boosaaso.
Weerarku ma aha arrintan fudud milateri ahaan iyo siyaasad ahaanba, balse maalmihii ugu danbeeyay waxaa baraha bulshada buuxiyay qoraallo dowladda Turkiga loogu baaqayo inay weerarto dekadda Boosaaso iyo maamulka Puntland.
Qoraalladaasi waa faafinayay xubno Turki ah oo arrimaha Soomaaliya ka hadla iyo taageerayaasha DFS iyo Khaatumo.
Kiiska markabkan wuxuu si toos saameyn ugu yeelan doonaa dalalka Turkiga iyo Imaaraadka oo kala taageera dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland.
WAAN WAAN.
Waxaa jirta rajo laga qabo in xaaladda kusoo dhammaato in Puntland ay sii deyso Markabka, iyadoo ay socdaan waanwaan ay wadaan dhinacyo kala duwan oo Qaramada Midoobay ka mid tahay
UGU DANBEYN.
Khilaafka siyaasaddeed ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa gaaray heerkii ugu sareeyay, isagoo hadda u gudbay dhinaca Badda iyo Amniga maraakiibta marta xeebaha Soomaaliya.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag