Dowlada Itoobiya waa dalka xuduudda ugu dheer la wadaaga Soomaaliya, iyadoo deris la ah dhammaan maamul goboleedyada dalka, Somaliland iyo xitaa Jubbaland, waxaana labada dal ka dhaxeeya Sooyaal fog oo taariikh madow ku suntan.

dagaallo iyo dano isdiidan ayay muddo dheer ku loolamayeen Muqdisho iyo Addis Ababa, ayadoo sanadihii dambe Itoobiya ay ku caan baxday siyaasad laba wajiilnimo ah oo ay ku wajahdo arrimaha Soomaaliya, taas oo isugu jirta mid muuqda oo diblomaasiyadeed iyo mid qarsoon oo dano istiraatiiji ah lagu fulinayo.
Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa saldhig u ah taariikh dheer oo colaad iyo isqabqabsi dhul ah, waxaana labada dhinac horey u dhex maray dagaalloo lagu hoobtay oo ay kamid ahaayeen kuwii dhacay 1964-kii iyo 1977-kii, kuwaas oo ka dhacay xuduudaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo dhulka Soomaali Galbeed.
Taariikh ahaan, Itoobiya waxay kaalin weyn ku lahayd burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, iyadoo taageero buuxda siisay jabhado Soomaaliyeed oo ujeedkoodu ahaa in la rido dowladdii dhexe, waxayna rrintaasi ahayd qayb ka ahayd istiraatiijiyaddeeda ahayd in aysan Soomaaliya dib u helin dowlad mideysan oo awood leh oo gobolka saameyn ku yeelata.
Sanadkii 2004-tii, Itoobiya waxay ahayd dalkii ugu xooggan ee ku ololeeyay in Soomaaliya qaadato hannaanka federaalka, taasoo ay u arkaysay fursad ay ku kala furfuri karto awoodda dowladnimo ee dalka, kuna heli karto maamul goboleedyo ay xariir toos ah la yeelato, taas oo u fududayn karta faragelin kasta oo arrimaha gudaha Soomaaliya ah.
Muddo yar ka dib markii dowladdii kumeelgaarka ahayd lagu soo dhisay imbagaati Ciidanka Itoobiya oo ku hoos gambanaya magaca Midowga Afrika (AMISOM/ATMIS), ayaa dalka soo galeen iyagoo geystay xadgudubyadii iyo xasuuqyadii ugu xumaa ee ka dhacay Muqdisho iyo gobollo kale.
Dhinaca kale, sirdoonka Itoobiya ayaa xilligaas si weyn ugu dhex milmay siyaasadda gudaha ee Soomaaliya, iyagoo xiriir toos ah la yeeshay madaxda maamul goboleedyada iyo kooxo siyaasadeed oo kala duwan.
Tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee Itoobiya waxay si cad u muujinayaan in ay sii waddo qorshihii laba wajiilnimada ahaa, Saacado ka hor, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Qunsulka cusub ee Dowladda Itoobiya ee Puntland, Major General Tagesse Lambamo Dimbore.
General Tagesse Lambamo Dimbore, waa sargaal ciidan oo wata dublumaasiyadeed, islamarkaana si toos ah uga madax-bannaan safaaradda Itoobiya ee Muqdisho, waxa uu dalka ka qabanayona aysan saameyn iyo ogaansho ku lahayn DFS.
Sidoo kale, Itoobiya waxay xarumo qunsuliyado ku sheegan ka furatay Hargeysa, ayadoo oo aan tixgelin oggolaansho rasmi ah laga helo dowladda federaalka, maadaama Soomaalilanda aysan haysan aqoonsi caalami ah, taas oo si weyn u dhaawacaysa madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.
Itoobiya waxay si xeel dheer u dhistay xiriirro istiraatiiji ah oo ay la leedahay maamul goboleedyo ay ka mid yihiin Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo maamulka diidan Hirshabelle ee Hiiraan State, waxayna diblumaasi Itoobiyaan ahi dhowaan ku faanay in madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), uu yahay saaxiib istiraatiiji ah” oo ay Itoobiya dhiig iyo naf ku bixisay si uu xilka u hayo
Dhanka kale, gobolka Bakool ayaa lagu qabtay bannaanbaxyo lagu taageerayo Itoobiya xilligii uu taagnaa murankii ka dhashay is-afgaradkii Addis Ababa iyo Muuse Biixi, taas oo muujinaysa sida ay Itoobiya u adeegsato xiriir maamul goboleedyo si ay cadaadis ugu saarto dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Ciidanka Itoobiya ee ku sugan degmada Doolow ayaa ayaguna dhowaan si toos ah uga qayb-qaatay dagaal dhex maray ciidanka dowladda federaalka iyo kuwa Jubbaland, halkaas oo ay ku dileen askar Soomaaliyeed oo dhulkooda jooga.
Inkasta oo madaxweyneyaashii Soomaaliya ee kala dambeeyay ay ku dadaaleen in xiriirka labada dal noqdo mid xasiloon oo ku dhisan is-ixtiraam iyo deris wanaag, haddana Itoobiya weli waxay ku dhaqantaa siyaasad laba wajiilnimo ah, waxayna Addis Ababa afka ka sheegtaa in ay ixtiraamayso madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya, balse ficilkeedu wuxuu muujinayaa qorshe qarsoon oo lagu wiiqayo midnimada ummadda Soomaaliyeed iyo in Soomaaliya aanay dib ula soo noqon awooddeedii qaranimo ee hore.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag