December 1, 2025

Maxay kawada Hadleen Wasiir Abuu Mansuur Iyo Safiirka dowladda Norwey somaliya?

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka,  Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, ayaa kulan la yeeshay ergeyga gaarka ee dowladda Norway u qaabbilsan Soomaaliya Mr Einar Rystad iyo Safiirka dowlada Norway u fadhiya Magaalada Muqdisho Mr Carsten Carlsen.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay muhiimadda iyo mudnaanta ay leedahay in la iska kaashado dardar gelinta howlaha la xiriira ka hortagga iyo la-dagaallanka afkaaraha xagjirnimada ee rabshadaha wata, iyadoo la xoojinayo wacyigelinta bulshada iyo ciidamada si halista afkaarahaasi looga badbaadiyo dhallinta Soomaaliyeed ee soo koraya.

Sidoo kale kulanka ayaa lagu bogaadiyay horumarka ay dowlada Soomaaliya ka sameysay dagaalka seddex geesoodka ah ee ay kula jirto Khawaarijta, kuwaas oo kala ah, dhinacyada milletariga, dhaqaalaha iyo tiirka dhanka fikirka (Ideological Pillar) oo ay hoggaamiso Wasaaradda

Dowladda Norwey, ayaana ballanqaaday in dowladda Soomaaliya ka taageeri doonto kahortaga iyo ciribtirka fikradaha xagjirnimada, sidoo kale gacan ka siin doonaan dowladda Soomaaliya sidii looga adkaan lahaa kooxaha argagaxisada ah.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*