December 1, 2025

Maxay Kawada Hadleen R/Wasaare Xamza Iyo Madaxda Dalka Serbiya?

R/ Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa gaaray caasimadda dalka Serbia ee Belgrade, halkaas oo ay uga bilaaban doonto booqasho rasmi ah oo la xiriirta xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda Serbia ayaa ka wada hadli doono arrimo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin iskaashiga ganacsiga, wada-shaqaynta dhinaca amniga, iyo is-dhaafsiga tacliinta iyo dhaqanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo gaba-gabeeyey safar shaqo oo uu maalmahaan ku joogay dalka  Shiinaha, halkaas oo uu uga qayb galay Shirka 7aad ee China-Arab States Expo, oo lagu qabtay magaalada Yinchuan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad taariikhi ah ka jeediyay furitaanka Bandhigga 7aad ee Carabta iyo Shiinaha (China-Arab States Expo) ee lagu qabtay magaalada Yinchuan, ayaa soo bandhigay horumarka iyo fursadaha dalkeenna ka jira.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay  in Soomaaliya ay qaadday waddo cusub oo horumarineed, taas oo diiradda lagu saarayo nabadda, amniga, dib-u-habeynta sharciyada, iyo dhiirrigelinta maalgashiga.

 

   

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*