October 7, 2025

Maxay Kawada Hadleen Madaxweeyne Xasan Iyo R/Wasaarihii Hore Cumar C/rashiid?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bilaabay in uu la kulmo qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ku ah kana soo horjeeda doorashada qof iyo cod uu doonayo in ay dhacdo, si uu talada dalka mar kale ugu soo laabto.

Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray maalmihii lasoo dhaafay madax horey dalka xilal uga soo qabaty, kuwaa oo magaalada ka bilaabay dhaq dhaaaqyo siyaasadeed ay uga arrinsanayaan xaalada dalka una muujin lahaayeen sida ay uga soo horjeedaan rabitaanka Villa Soomaaliya.

Sido kale  Madaxweyne Xasan Sheekh , ayaa xalay Villla Soomaaliya kula kulmay Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabirashiid Cali, waxa ayna kawada hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka iyo sidii xal loogu heli lahaa khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka.

Mr Cumar Cabdirashiid, ayaa xogaha sheegayaan in Madaxweynaha la wadaagay aragtida siyaasiyiinta mucaaradka uu kamid yahay, waxa uuna u sheegay in xilligan aysan suurto gal aheyn in dalka ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah, loona baahan yahay in laga heshiiyo nuuca doorashada ee dhaceysa.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaana dhankiisa isku dayay in Cumar Cabdirashiid u sharaxo sida ay wax u rabaan iyo suurto gal in ay tahay in dalka qeybo kamid ah ka qabsoonto doorashada qof iyo codka, si ay dadka usoo doortaan dadka matelaya.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa qorsheenaya in iyana gooni gooni ula kulmo siyaasiyiinta kale ee sida weyn uga soo horjeeda, lamana oga Madaxweynaha in uu ka tanaasuli doono damaciisa ah in ay dhacdo doorashgo qof iyo cod ah oo ay si weyn u diidan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka . 

Hase ahaatee Lama Yaqaano Halka ay wax ku danbeeyn doonan

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*