Madaxweynaha dowlad Mareykanka Donald Trump ayaa saacado ka hor aqalka cad ee dalkaas looga arrimiyo soo dhawayntii ugu sarreysay ugu sameeyay dhaxal sugaha Boqortooyada Sucuudiga, Maxamed bin Salmaan.

Labada hoggaamiye oo shir saxaafadeed wadajir ah ka soo muuqday ayay saxaafaddu su’aalo ka weydiisay arrimaha bariga Dhexe, xariirka Israa’iil, iibsiga diyaaradaha F-35, maalgashiga, nabadaynta marinka Qasa, dilkii wariye Jamaal kashookhji iyo arrimo kale.
Amiir Maxamed bin Salmaan ka jawaabayay weydiin ku saabsanayd in Sucuudigu uu xariir dublumaasiyadeed la yeelanayo Israa’iil ayaa sheegay inay arrintaas diyaar u yihiin haddii la xalliyo qadiyadda Falastiin iyo Israa’iil oo uu sheegay inay qasab tahay inay noqdaan labo dowladood oo kala madax-bannaan.
Dhinaca kalena dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan wuxuu sheegay in Sucuudigu uu kordhinayo maalgashiga uu ka sameeyo gudaha Mareykanka, asagoo xaqiijiyay inay gaarsiin doonaan hal trillion oo dollar.
Maamulka Trump ayaa dhinacooda qorshaynaya inay Sucuudiga ka iibiyaan diyaaradaha F-35 oo ah kuwa ugu casrisan gaadiidka dagaalka ee cirka.
Go’aanka Madaxweyne Donald Trump uu ku doonayo inuu Sacuudi Carabiya uga iibiyo diyaaradaha casriga ah ee F-35, ayaa durba dhaliyay muran siyaasadeed iyo mid milatari oo baahsan, xilli heshiiskii ballaarnaa ee caadiyeynta xiriirka Israa’iil iyo Sacuudigu uu weli hakad ku jiro.
Heshiiskan, oo markii hore loogu talo-galay inuu beddelo isla markaana dib u habeeyo awood-qaybsiga Bariga Dhexe, waxa uu ku salaysnaa laba qodob:
1. Israa’iil iyo Sacuudi Carabiya ay heshiis gaaraan,
2. Sacuudiga oo helo damaanad amni oo Mareykanka ka socota, oo ay ku jirto helitaanka F-35-ka.
hadalladii ugu dambeeyay ayaa muujinaya in heshiiskaasi uu kala jabay oo kaliya qeybtii hubka la dhaqangelinayo, halka arrintii siyaasadeed ee caadiyeynta Israa’iil aan wax hormar ah laga gaarin.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag