October 7, 2025

Maxay Kawada Hadleen Madaxweeyne C/Caziiz Laftagareen Iyo Wakiilka QMSOMALIYA?

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ,ayaa qasriga madaxtootayada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wakiilka Qarammada Midoobay Uqaabilsan Soomaaliya Amp James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo howlo shaqo u yimid u tagay magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Madaxweyne Laftagareen iyo Amp James Swan ayaa Kulankooda isaga Xog-Waraystay Xaalada Guud ee Dalka uu marayo Dhinacyada Amniga, Siyaasada, Mashaariicda kala duwan ee Qaramada Midoobay kala Shaqayso  Koonfur Galbeed iyo Arimaha Bini’addanimada

kulanka ayaa sido kale Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Amp James Swan ku Bogaadiyey Geesiyaasha Ciidamada Qalabka sida Dagaalkii ay la Galeen Khawaarijta ee Guulaha kaso hooyeen, isagoona Tilmaamay in Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Koonfur Galbeed Garab ku siinayo Howlgalada lagu Bacsanayo Khawaarijta.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Amb James Swan, ayaa bilaabay kulamo uu la qaadanayo Madaxda maamul goboleedka, xilli la filayo in Muqdisho ka dhaco shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

 

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*