
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor), ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay madaxa xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo tagay magaalada Dhuusamareeb.

Kulankan muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan Galmudug, iyadoo si qoto dheer looga wada hadlay shirarka siyaasadeed ee la filayo in la qabto, amniga, iyo dadaallada lagu xoojinayo la dagaallanka Khawaarijta. Waxaa sidoo kale laga wada hadlay doorka ay hay’adaha Qaramada Midoobay ka qaadanayaan hawlaha horumarineed iyo gargaarka bini’aadantinimo ee ka socda deegaannada Galmudug.
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu falanqeeyay mashaariicda horumarineed ee muhiimka u ah kobaca dhaqaalaha, sida dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ka mid yihiin waddooyinka iyo garoonka diyaaradaha ee caasimadda Dhuusamarreeb.
Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa uga mahadceliyey James Swan iyo wafdigiisa taageerada ay siiyaan Galmudug, isagoo xusay in iskaashiga ay la leeyihiin Qaramada Midoobay uu muhiim u yahay nabadda iyo horumarka gobolka.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag