October 7, 2025

Maxay Ka Wada Hadleen Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ?

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Mudane Xuseen Macalin, ayaa kulan dooceed la yeeshay Wasiir Ku xigeenka Arrimaha Dibadda Dowladda Turkiga, Dr. Burhanettin Duran, intii lagu guda jiray shirka Oslo Forum.

Kulankaan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga istiraatiijiyadeed ee labada dal, gaar ahaan dhanka amniga iyo ganacsiga.

Labada mas’uul ayaa markale xaqiijiyey muhiimadda ay leedahay doorka Turkiga ee dadaallada Soomaaliya ee dhanka nabadda, xasilloonida iyo horumarka.

Dowlada Turkiga ayaa ka mid ah wadamada si weyn u taageera Soomaaliya, waxaa uuna ka caawiyaa Tababarka ciidamada, Maalgashiga iyo horumarķa dalka.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*