October 7, 2025

Maxay Ka Wada Hadleen Safiirka Shiinaha u jooga Somaliya iyo Madaxweynaha SSC-Khaatumo ?

Danjiraha Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya, Amb. Wang Yu, ayaa kulan la yeeshay hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdikhadir Axmed Aw-Cali, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Muqdisho, ayaa diiradda lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin ilaalinta midnimada qaranka, madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo kor u qaadidda iskaashiga horumarineed ee labada dhinac.

Shiinaha “Annaga iyo Dowladd Goboleedka SSCKhaatumo waxa aan isku raacnay, ilaalinta midnimada, madaxbanaanida iyo wadajirka dhuleed ee Qaranka Somaliyeed,” ayaa lagu yir qoraal lagu daabacay bogga X ee safaaradda China ee Soomaaliya.

Dowladda Shiinaha ayaa si cad u muujisay mowqifkeeda ku aaddan taageerada midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo kamid ah dalalka si adag uga soo horjeeda gooni isu-taagga Somaliland oo maanta xusaysa 34 guuradii kasoo wareegtay markii ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

Dowlada Beijing ayaa marar badan ku celisay inaanay aqbali doonin wax faragelin ah oo wax u dhimaya midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo si buuxda u garab taagan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dadaallada lagu dhisayo dowlad loo dhan yahay oo mid ah.

Madaxweeyne Firdhiye ayaa Danjiraha uga mahadceliceyey sida diirran ee Danjiruhu ugu soo dhaweeyay safaaradda Shiinaha iyo sida dal weynaha Shiinuha ay uga go’antahay ka qaybgalka dhismaha iyo horumarinta Dowladnimada Soomaliyeed.

 

 

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*