
R/Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Bangiga Adduunka u qaabilsan dalalka Soomaaliya, Kenya, Rwanda iyo Uganda

Mr.Qimiao Fan,ayaa booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Kulanka ayaa diirradda lagu saaray xoojinta xiriirka wada shaqayneed iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo taageerada Bangiga Adduunka ee ku aaddan dhinacyada dowlad-dhiska, maamul wanaagga iyo sii wadista mashaariicda horumarineed.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa Bangiga Adduunka uga mahadceliyey kaalinta ay ku leeyihiin dib u habaynta dhaqaalaha dalka iyo taageerada kala duwan ee dhinacyada caafimaadka, waxbarashada iyo mashaariicda gargaarka.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag