October 7, 2025

Maxay Ka Wada Hadleen Madaxweynaha Jubaland Iyo Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika?

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayay, kuwaas oo booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Kismaayo.

Wafdiga waxaa ka mid ahaa saraakiil sare oo ka tirsan Hawlgalka AUSSOM (AUSSOM). Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray Xaaladda guud ee siyaasadda dalka, Amniga Jubaland iyo guud ahaan Soomaaliya iyo Dadaallada socda ee la dagaallanka argagixisada.

Intii uu kulanka socday, Danjire Diene waxa uu si gaar ah u ammaanay dadaallada Dowladda Jubaland ee ku aaddan xoreynta deegaanada ay Al-Shabaab ka joogaan Jubaland, iyo xasilinta deegaannada dhawaan laga saaray argagixisada.

Waxa uu xusay in ciidamada Jubaland ay muujiyeen karti, xirfad iyo waxqabad la taaban karo, taas oo muhiim u ah xoojinta nabadgalyada iyo xasilloonida dalka.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Midowga Afrika taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Jubaland iyo guud ahaan Soomaaliya, isaga oo sheegay in iskaashiga dhanka amniga uu yahay mid lagu gaari karo mustaqbal nabdoon iyo horumar waara.

Kulankaan waxa uu imaanaya iyadoo wali ay xiisad ay ka taagan tahay gobolka Gedo, oo ay ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda federaalka uu hor kacaayo Cabdirashiid Jajan iyo kuwa Jubaland ay dhowr jeer ku dagaalameen ayna sababtay khasaare labada dhinac ah oo dhimasho iyo dhaawacba leh sidoo kalena waxyeelo ay kasoo gaareen shacabka ku nool Degmada Balad Xaawo.

 

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*