October 7, 2025

Maxay Ka Wada Hadleen Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka iyo Beesha Caalamka oo maanta Ku Kulmay Muqdisho?

Hoggaamiyeyaasha Siyaasada mucaaradka ee ku mideysan Madasha Samatabixinta Soomaaliya ayaa maanta kulan la yeeshay wakiillada beesha caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Kulanka maanta oo daba socda shirkiii dhawaan ay Madasha ku qabatay magaalada Muqdisho, ayaa looga hadlay arrimaha la xiriira hab-raaca geedi-socodka doorashooyinka, muhiimadda ay leedahay in la helo hannaan doorasho oo ay Soomaalidu u dhanyahay, heshiis lagu yahay, islamarkaana ku dhacda waqtigeeda si waafaqsan qodobada dastuuriga ah iyo heshiisyadii hore, sida ay horey u sheegeen Mucaaradka.

Intii uu socday kulanka, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay baahida loo qabo in la helo jawi siyaasadeed oo deggan, lana xaqiijiyo kalsoonida shacabka, hay’adaha dowliga ah iyo daneeyeyaasha caalamiga ah ee taageera Soomaaliya.

Hoggaamiyeyaasha Madasha ayaa soo bandhigay talooyin iyo aragtiyo ku aaddan sidii loo dardargelin lahaa dib-u-heshiisiinta siyaasadeed, laguna dhisi lahaa hannaanka doorasho ee ku saleysan wadatashi, hufnaan iyo xorriyad.

Wakiillada beesha caalamka ayaa dhankooda muujiyay daneyn xooggan oo ay u qabaan horumarinta nidaamka dimuqraadiyadda Soomaaliya, waxayna bogaadiyeen doorka Madasha Samatabixinta ee ku aaddan kor u qaadidda wadahadalka iyo wacyigelinta bulshada.

Mucaaradka Soomaaliya ayaa ku adkeysanaya muhiimadda ay leedahay in la helo hannaan doorasho oo xasillooni siyaasadeed horseeda, si dalka uu uga gudbo marxaladda kala-guurka.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*