
Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Salaad, iyo Taliyaha Sirdoonka dalka Itoobiya, Ridwaan Xuseen oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoojiya.

Kulan ay yeesheen labada taliye sirdoon ayey kaga wada hadleen iskaashiga dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagaxisada ah, xoojinta xiriirka labada hay’adood iyo iskaashiga amniga ee labada dal iyo guud ahaan gobolka.
Labada taliye, ayaa sidoo keale waxay isla qaateen muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga labada dal, si loo ciribtiro Khawaarijta, kuwaas oo halis ku ah amniga Soomaaliya, Itoobiya iyo guud ahaan gobolka.
Mahad Salaad , oo markii labaad loo magacaabay taliyaha hay’adda NIS, ayaa wada dedaalo badan oo lagu tayeenayo hay’adda sirdoonka Soomaaliya, waxa uu sidoo kale ka shaqeenayaa sidii iskaashi buuxa iyo wadashaqeyn ula yeelan lahaayeen dalal kale ay ugu horreeyaan kuwa dariska ah.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag