January 15, 2026

EX Guddomiye Maxamed Mursal oo isaga baxay xisbiga Horumar iyo Midnimo Qaran

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii iyo xubinimadii uu ka hayay Xisbiga Horumar iyo Midnimo Qaran.

Ex Guddomiye Maxamed Mursal oo qoraal kooban soo saaray, ayaa sheegay in go’aankiisu uu yahay mid uu ku doonayo madax-bannaani buuxda oo ku aaddan aragtidiisa siyaasadeed.

Wuxuu yiri: “Si aan ugu madax-bannaanaado aragtideyda siyaasadeed ee gaarka ah waxaan iska casiley xilkii iyo xubinimada Xisbiga Horumar iyo Midnimo Qaran.”

Go’aanka Mursal ayaa imanaya xilli ay socdaan isbeddello siyaasadeed iyo ololeyaal cusub oo ka jira gudaha dalka, iyadoo siyaasiyiin badan ay dib u qaabeyn ku sameynayaan mowqifyadooda iyo xiriirkooda xisbiyeed.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*