
Malmaahaan waxaa dib u soo cusboonaaday dagaalo xoogaan oo u dhaxeeya Ciidamada XDS iyo Macaawissleeyda deegaanka oo dhinac ah iyo kooxda alshabaab. Sida la wada ogsoonyahay kooxda alshabaab ayaa dib ugu soo laabtay deegaano hore looga saaray sanado ka hore.

Maxaa ugu wacan jabka ciidanka Iyo Macaawiisleeyda deegaanka?
sida la wada ogsoonyahay waxaa ugu wacan arrimo badan oo is biirsaday
1:waxaa jiro kooxo badan oo ka dhex shaqeeysta dagaalada ayagoo u arkaya in ay lacago ka sameeyaan sida odayaalka dhaqanka isku sheega ,Ganacsatada Iyo Siyaasiyiin Iyo Madax Maamul Oo diidan guulaha ay gaarayaan Ciidanka dowlada Iyo Macaawiisleyda deegaanka.
Villa somaliya arrimaha socda maxay kala socotaaa?
Madaxda Wadanka ugu sareeysa wax badan ayay kala socdaan waxaana aad moodaa in ay ku caawinayaan dhaqaalaha kooxaha dhibka ku haya wadanka ayagoo siinaya qandaraasyo Dhaqaale
.Xaqiiqooyinka dhacay waxaa ka mid ah macaawiisleeyda Ka difaaci jirtay dhanka wabiga ee deegaanka Cali fooldheere Iyo Calaag ee G/SH/DHEXE In hubkii iyo saanadii loogu tala galay Ciidanka Macaawiisleeyda laga dhacay dagaalkii ka dhacay Deegaanka Ciid-ciidka . Oo aan marna la siin balse Maanta waxaa la arkay in Ciidankii Macaawiisleeyda ay isaga soo baxaan aaga difaaca.
Dhanka kale Madaxweeyne Xasan Sheekh diyaar uma ahan dagaalka in si saxan u wajaho waayo wali waxa uu la tashanayaa kuwa dalka iyo dadka dhibaatada ku hayo waana madaxweeyne aad u safar badan oo aan xooga saarin arrimaha Guddaha iyo waxa ka dhacaya. mana ahan Madaxweeyne u diyaarsan in uu howl geliyo dadka aqoonta u leh xirfadaan ,
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag