October 7, 2025

Maxaa u Sabab ah in Alshabaab ay dib u qabsadaan Deegaano Ka Tirsan G/SH/DHEXE ?

Sida la wada ogsoon yahay waxaa maalmo ka hore la wareegay ALSHABAAB deegaano badan oo ka tirsan HirShabelle gaar ahaan G/SH/DHEXE.  Dagaalka u dhaxeeya Dowlada Federalka Somaliya Iyo Alshabaab ayaa naqday dagaal uu ka dhex muuqdo xifaaltan siyaasadeed iyo kala u jeedo siyaasadeed.

 

Maxaa keenay in alshabaab ay dib ula wareegto deegaano laga Xureeyay Mudo Hore?

Sida la wada ogsoon yahay alshabaab waxaa sida badan laga xureeyay deegano badan oo ka tirsan HirShabelle  balse waqtigaan waxa ay si fudud ula wareegayaan deegaano kale .

Sidoo kale  waxaana jiray hadal heeyn badan oo ku aadan dhanka doorashooyinka Iyo dalka  ay ka dhaceeyso  Doorasho Qof iyo Cod. 

hase ahaatee Dowlada federalka somaliya ayaa ku dhaqaaqday Awood aysan Gacnta ku heeyn oo ah in ay kaligeed Goaan iska Garto balse waxaa dhacay in ay alshabaab dib ugu soo naqdaan deegaano laga xureeyay Taasi waxaa u sabab ah siyaasada arrimaha Guddaha ay dowlada Ku fashilantay.

 

Dhanka kale waxaa Jiro Siyaasiyiin aan ku qanacsaneen sida ay u maamuleeyso  dowlda Federalka Somaliya  arrimaha doorashooyinka ayagoo ka cabsi qaba in ay timaado Ku shubasho  doorasho ah maadaama aan laga talo gelin arrimaha doorashada iyo Qaabka ay naqan karto . 

Siyaasiyiinta Maxay Dan u arkeen? 

Siyaasiyiinta Iyo Maamulada Dalka Ka Dhisan Mar hadii aan laga Talo gelin Arrimaha Siyaasada Dalka Iyo Doorashooyinka Waxaa ay dan u arkaan in alshabaab ay dib ugu soo laabtaan deegaano badan oo horey looga xureeya kadibna Xalane lagu qabto Doorasho Dadban  Taasi ayey Dan moodeen .

 Dowlada Federaalka Somaliya  Maxay Dan mooday?

Dhanka kale Dowlada Federalka Somaliya Waxa ay dan mooday degaanadii laga xureeyay alshabaab in ay sanduuqyo dhigato halkaasi ay ka soo hesho Codad ay ku sii diyaarsadeen .

Hase ahaatee labada dhinac marna uma daneen dalka Iyo dadka dhibaateeysan waana nasiib daro kale oo cusub oo ku soo korortay shacabka somaliyeed. Mana Muuqato in laga gaari doono heshiis waxaana ay ku soo dhamaan doontaa in uu dib u howl galo xafiiskii qaramada midoobay iyo wadamadii jeclaa in aysan somaliya xur naqan.

 

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*