
Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa shir guddoomiyey kulanka Hoggaanada, Qeybaha iyo Fadhiyada Madaxa banaan ee Ciidanka Booliiska oo ka qabsoomay Xarunta Taliska guud ee Ciidanka.

Shirka Todobaadkan waxaa Warbixino Ammaanka ku saabsan looga dhageystay Qeybta guud ee Gobalka Banaadir , Hoggaanka Baarista Dambiyada CID, Taliska La dagaalanka Argagixisada iyo Hoggaanka Kormeerka oo soo bandhigay Warbixin la xiriirta halka ay marinayaan kormeerka iyo qiimeynta Booliiska oo ay weli ku howlan yihiin.
Dhanka kale Taliyaha ayaa Saraakiisha uga mahadceliyey dadaalka shaqo waxaana uu faray in la xoojiyo doorka Amniga Dalka uga aadan Booliiska maadama Bisha Barakaysan ee Ramadaan soo dhowdahay
Ugu danbeeyntii Shacabka ayuu u jeediyey arrin muhiim ah oo la xiriira in laamaha Ammaanka ku gacan siiyaan ka hortagga falalka al shabaab oo mar kasta ku howlan waxyeelaynta Bulshada Soomaaliyeed sida uu yiri.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag