
Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa xiray ganacsade Maxamed Jabuutaawi oo kamid ahaa musharaxiinta iskusoo taagay xilka madaxweynaha maamulkaas, balse looga reebay markii uu buuxin waayay sharuudaha doorashada.

Xarigiisa ayaa loo sababaynayaa inuu lahaa abaabulka dabley ka caraysan sababtii looga reebay doorashada, kuwaas oo weeraray ciidamadii sugayay amniga hoteelka ay ka dhacaysay doorashada, waxaana iska hor imaadkaas dhacayuu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dhanka kale Muuqaal baraha internetka lasoo dhigay ayaa lagu arkayay odayaasha dhaqanka ee beeshiisa oo eedeysane Maxamed Jabuutaawi ku waeejinaya laamaha amniga, si uu u wajaho eedeymaha loo heysto, iyo in xal laga gaaro dadkii ku geeriyooday iska hor imaadkaadkaas, kuwaas oo la sheegay in aanan weli la aasin, khilaaf ka taagan awgeed.
Salaadiinta dhaqanka ayaa sheegay in cid kastoo dhibaato ka geysata degaanada maamulkan gacan bir ah lagusoo qaban doono, iyagoo sheegay in ay la shaqeynayaan laamaha amniga ee maamulka.
Maxamed Jabuutaawi oo ah ganacsade weyn oo ka ganacsatada Qaadka, ayaa kamid ahaa dadkii doorka weyn kasoo qaatay dhismaha maamulkii hore ee SSC Khaatumo. Sidoo kale, waa ganacsade hubaysan oo leh gaadiid dagaal iyo maleyshiyaad.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag