October 9, 2025

Maxaa Keenay Safarka Deg deg ah ee R/Wasaare Xamsa ?

R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Xamsa Cabdi Barre ayaa  u ambabaxay dalka Jabuuti, kadib markii casuumaad rasmi ah uu ka helay Madaxweynaha Dalkaas, Ismaïl Omar Guelleh.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana ujeedkoodu yahay in ay xoojiyaan xiriirka ka dhexeeya  labada dal.

Inta uu ku sugan yahay Jabuuti, Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda dalkaas ayaa ka wada hadli doona arrimo dhowr ah oo muhiim ah, sida amniga, dhaqaalaha khataraha amni ee soo wajahaya dalalka Geeska Afrika

Sidoo kale, waxaa si gaar ah looga wada hadli doonaa sidii labada dal uga wada shaqeyn lahaayeen xoojinta nabadgelyada gobolka iyo ka hortagga khataraha amni ee soo wajahaya dalalka Geeska Afrika.

Sidoo kale Labada dhinac ayaa ka wadahadli doona fursadaha dhaqaale ee labada dal u dhexeeya iyo sidii loo horumarin lahaa iskaashiga dhaqaale ee mustaqbalka.

Waxaana  si qoto dheer looga Hadli doonaa xiriirka qotada dheer ee labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan sida bulshada, dhaqanka, iyo horumarka guud.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*