October 7, 2025

Maxaa Keenay In uu dib dhac Ku Yimaado Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee DF iyo maamul goboleedyada ?

Sida ay wararka sheegayaa Shirka golaha wadatashiga qaran ee la filayay in uu dhaco maalinta beri ah ayaa   dib loo dhigay sabab la xiriirta xuska maalmaha xoriyadda.

 Iyada oo laga duulayo Munaasaba iyo u diyaar garawga xuska toddobaadka Xorriyadda iyo ahmiyadda ay leedahay, waxaa dib loo dhigay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo horay uu Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, u muddeeyay 22-ka bishaan Juun 2025-ka, waxaana uu shirku qabsoomi doonaa 15-ka Luuliyo 2025-ka, insha allaah.”

Sida la sheegay Shirka golaha wadatashiga qaran ayaa looga hadlayaa dhamasytirka dastuurka,qabsoomida doorashooyinka heer qaran iyo heer deegaan. Shirkan ayaan la ogeyn in ay ka qeyb geli doonaan Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*