
Dowladda Maraykanka ayaa go’aan culus ka qaadatay in ay ceyriso Safiirka Koofur Afrika ee Dalkeeda jooga Ibraahim Rasuul sida uu shaaciyay Xoghayaha arrimaha dibadda Dalkaas Marco Rubio oo qoraal soo dhigay Bartiisa Twitter (X).

Xoghaye Rubio ayaa sheegay in Safiirka uu yahay danjire aanan looga baahnayn Dalkiisa (PERSONA NON GRATA) maadaama uu kamid yahay Dad ka shaqeynaya dhibaateynta Dadka Caddaanka ah ee Koofur Afrika looga badan yahay. Waa Sida uu Hadalka U Dhigay.
Dalka Koofur Afrika weli kama jawaabin tallaabada Maraykanka ee lagu eryay Safiirkii u joogay Washington, tallaabadaan waxa ay muujineysaa in xiriirka labada Dal uu gaaray meeshii ugu dambeysay mar haddii la eryay Danjire.
“Safiirka Koofur Afrika ee Mareykanka mar danbe lagama soo dhaweynayo dalkeenna. Ma jirto wax aan kala hadli karno, sidaas darteed waxaa loo aqoonsaday shakhsi aan garaado laheyn PERSONA NON GRATA.” Ayuu yiri Marco Rubio.
Dhanka Kale Waxaa jawaab la sugayaa Dowlada Koofur Afrika go’aanka lagu ceyriyay Danjire Ibraahim Rasuul, waxaa ka dhashay hadal hayn badan iyada fasiraad kala duwan laga sii bixinayo
Si kastaba ha ahaatee Xiisadaan ayaa loo maleeynayaa in ay lug ku leedahay In uu ka danbeeyo Ninka iska leh X Iyo Shirkada TYSLA ELON MUSK.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag