October 7, 2025

Maxaa Keenay In Gaadidka U socday Gobalade Dhexe Lagu Xanibo Deegaano Ka Tirsan G/Sha/ Dhexe?

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in todobo gaari oo ka baxay magaalada Muqdisho kuna sii jeeday magaalada Gaalkacyo in lagu Xanibay deegaanada u dhaxeeya Wargaadhi iyo Cad-cadey, oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Gaadiidkan oo ay saarnaayeen ilaa 130 qof, ayaa la sheegay in ay hadda ku xayiran yihiin deegaankaasi, iyadoo la rumeysan yahay in ay gacanta ugu jiraan maleeshiyaad deegaanka kasoo jeeda.

Wararka hordhaca ah waxay sheegayaan in maleeshiyaadka xanibay ay ku andacoonayaan in tallaabadan oo kale ay horay uga dhacday degmada  Matabaan oo gaadiid looga dhacay. ragna looga heeysto.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilaabay dhaq-dhaqaaqyo degdeg ah oo lagu doonayo in lagu soo afjaro xaaladda, lana soo daayo dadka shacabka ah ee la afduubtay. Warar hoose ayaa tilmaamaya in kulamo degdeg ah ay wadaan saraakiisha ammaanka iyo odayaasha dhaqanka si xal waara looga gaaro arrintan.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*