October 7, 2025

Maxaa Ka Soo Baxay Kulankii Taliye Sanbaloolshe Iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ?

Agaasimaha Hey’adda nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) iyo taliyaha ciidanka dhulka XDS, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Generaal Khaalid), ayaa gaaray deegaanka Tardho ee gobolka Hiiraan,

Taliye Sanbalooshe ayaa Kulan La qaatay taliyaha ciidanka dhulka  ayaa magaalada  Tardho kula yeeshay odayaasha dhaqanka, waxa ayna kulanka diiradda lagu saaray dardargelinta dagaalka lagula jiro  kooxda Al Shabaab iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya ciidamada xoogga iyo kuwa macawuusleyda deegaanka.

Agaasimaha Hay’adda NISA iyo taliyaha ciidanka Dhulka, ayaa ku bogaadiyay odayaasha dhaqanka Tardo doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin taageeridda ciidamada qalabka sida, gaar ahaan kuwa ku sugan furimaha hore ee dagaalka.

Gobolka Hiiraan deegaanno katirsan waxaa ka socda howlgallo ka dhan ah kooxda Al Shabaab, waxaana dagaalka xoogiisa hoggaaminaya ciidanka macawuusleyda beesha Xawaadle, kuwaa oo casharo waa weyn u dhigay kooxda Al Shabaab.

 

 

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*