
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya, Dr Abdullah Bin Salem Al Nuaimi, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Qatar.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay sidii dowladda Qatar ay uga taageeri lahayd dowladda Soomaaliya arrimaha amniga, horumarka iyo hirgalinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025 -2029).
Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa uga mahadceliyey xiriirka soo jireenka ah iyo taageerada joogtada ah ee dowladda Qatar ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada asaasiga ah sida waxbarashada iyo caafimaadka.
Dhanka kale Danjiraha dowladda Qatar, ayaa xusay in ay sii wadi doonaan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay mar walba la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Si kastaba ha ahaate waxaa dhawaan magaalada Muqdisho laga soo dejiyay Ciidamo somaliyeed Ku waasi oo ka shaqeeun jiray Dalka Qatar lama ogo sababta loo keenay inkastoo laga yaaba in waqtigii qandaraaska uu dhamaaday.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag