
Warsaxaafadeed ka soo Baxay maamulka Soomaaliland ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliland uu kulan la qaatay madaxweynaha dalka Kenya William Ruto.

Qoraalka ka soo baxay Maamulka Soomaaliland ayaa ku qornaa sidan –
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ( Cirro ) oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kenya, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Mudane Dr. William Ruto, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya.
Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo muhiim u ah labada dhinac, arrimahaasi waxa ka mid ahaa:
Iskaashiga labada dal iyo xoojinta xidhiidhka ganacsiga, maalgashiga, horumarinta dhaqaalaha iyo isu-socodka Diyaaradaha.
Xoojinta Nabadda iyo Amniga Gobolka, gaar ahaan horumarinta xasilloonida, ka hortagga xagjirnimada, iyo taageeridda dadaallada nabad-dhisidda ee Geeska Afrika .
Iskaashiga Waxbarashada, is-weydaarsiga tacliinta, awood-dhisidda hay’adaha Dawliga ah iyo kobcinta tababarka xirfadaha farsamada gacanta ee dhalinyarada.
Kulankaasi waxa uu ahaa mid ay labada hoggaamiye hoosta ka xarriiqeen xidhiidhka soo jireenka ah ee u dhexeeya Somaliland iyo Kenya, kaas oo ku qotoma taariikh fac weyn, is-ixtiraam, dano wadaag, iyo aragti midaysan oo ku wajahan horumarka iyo barwaaqada mandaqada.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag