October 7, 2025

Maxaa Ka Jiro In Xassan Shiikh uu saacadaha soo socda ku wajahan yahay G/SH/DHEXE?

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu beri safar ku tagayo furumaha dagaalka sida ay sheegayaan warar laga helayo ilo wareedyo ku dhow Villa Somalia.

Warka ayaa intaas ku daraya in Madaxweynaha uu tagayo gobolka Sh/dhexe oo ay ka socdaan dagaalo culus oo dhexmaraya ciidamada DF iyo kuwa Al shabaab oo duulaan balaaran ku soo qaaday degaano sanadkii hore laga saaray.

Safarka Madaxweynaha ayaa la sheegayaa in  uu diiradda saarayaa xoojinta ciidamada qalabka sida iyo taageerada dadka deegaanka ee dagaalka kula jira.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu  kulamo la yeelanayaa hoggaamiyeyaasha ciidamada iyo masuuliyiinta amniga si loo xaqiijiyo guulaha lagu gaarayo dagaalka.

Dhanka kale Waxaa gobolkaas horey ugu sugnaa taliyaha ciidanka Xoogga dalka Jen. Odowaa Yusuf Raage, Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada Col Shuute iyo saraakiil kale oo halkaas ka wada abaabulka iyo hogaaminta dagaalka.

Lama oga in Madaxweynaha uu halkaas ku sii sugnaan intii muddo ah iyo inuu isla beri dib ugu soo laabanayo magaalada Muqdisho.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*