October 7, 2025

Maxaa ka jiro in uu musuq baahsan ka jiro Xafiiska Visooyinka ee W/Arrimaha Dibeda?

Wararka laga helayo wasaarada arrimaha dibeda ayaa  sheegaya in uu ka jiro   musuq maasuq baahsan iyo Maamul xumo  Xafiiska dalabka viisooyinka ee Wasaaradda arrimaha dibeda ee xukuumada federaalka Somalia.

Xafiiskaan ayaa qaabilsan iney masuuliyiinta iyo shaqaalaha dowlada ee heysta baasaboorada Service-ka iyo diblomaasiga siiso warqado looga codsanayo safaaradaha dalalka caalamka iney siiyaan fiisooyinka ama dal ku galka ay u baahan yihiin.

Wasiirka arrimaha dibeda ee Somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa dhowaan Xafiiskaan gaarka ah u magacaabay nin uu isagu keensaday oo magaciisa lagu sheegay C/waaxid Geeddi Maxamuud, wuxuuna ka wareejiyey Wasiirka ku-xigeenka arrimaha dibeda oo ay markii hore xafiiskaan hoos tagi jirtay.

Sidoo kale C/waaxid Geeddi Maxamuud ayaa bilaabay musuq waaxda ka dhaqan galay isagoo lacago laaluush ah oo gaaraya illaa 5 kun oo dollar ka qaadaya dadka heysta baasaboorada Diblomaasiga iyo Service-ka ee loo sameynayo warqadaha loogu dalbayo Fiisooyinka dalalka Yurub.

Xafiiskaan ayaa noqotay il ay dhaqaale ka sameeyaan Wasiir Fiqi iyo ninka uu halkaas u magacaabay taasoo keentay iney noqoto waax ka tilmaaman waaxyaha kale ee Wasaarada arrimaha dibeda ee Somalia.

Xafiiska dalabka Fiisooyinka ayaa isku bedeshay goob soo jiidatay muqalasiinta dadka dhoofiya iyo masuuliyiinta dowlada qaarkood oo shaqo ay dhaqaale ka sameeyaan ka dhigtay dalabka iyo ka ganacsiga fiisooyinka dadka Yurub loo dhoofinayo, kuwaasoo wata baasaboorada diblomaasiga iyo kan la siiyo shaqaalaha DF.

Safaaradaha reer galbeedka ee fadhigoodu yahay Nairobi oo la yaabay dalabka faraha badan ee Viisooyinka balse waxa ay si kumeel gaar ah u hakiyeen bixinta  Fiisooyinka dal ku gal ah.

Dhanka kale Wasiir Fiqi ayaa ku guuleystay inuu awoodiisa dhimo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradaas oo waaxdan gacan ku hayey inkastoo Wasiirku uu ku guulareystay inuu wax ka qabto culeys badan oo kaga imanayey Wasiiru dowlaha Wasaarada Cali Balcad sababo la xiriira ninkan oo si weyn ugu dhow madaxweyne Xasan Shiikh.

Si kastaba ha ahaatee Ficilkaan  ayaa si weyn wax ugu dhimay qiimaha baasaboorka Soomaaliga ah iyo  kalsoonida lagu qabi oo markii horeba aad u liidatay ka dib markii baasaboorada diblomaasiga iyo Service-ka si musuq maasuq ah loo siiyey dad aan aheyn masuuliyiin iyo shaqaale dowladeed.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*