October 7, 2025

Maxaa Ka Jiri Wadahal Qadka Telfanka ah uu Dhex Maray Madaxweene Xasan Iyo Madaxweeyne Axmed Madobe?

Warar hoose oo aan la helayo ayaa sheegaya in khadka telefoonka ay ku wada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Wadahadalkan ayaa la sheegay inuu fududeeyay Taliyaha Sirdoonka Kenya Noradin Yusuf Xaaji oo maalmo ka hor safar qarsoodi ah ku tagay Kismaayo.

Sida ay xogta sheegayaan  in wada hadalka taleefanka uu ahaa mid koobnaa oo Taliyaha Sirdoonka Kenya ku doonayo inay billow u noqotay qaboojinta xiisada Jubbaland iyo DFS, iyadoo wixii wada hadalka taleefankaas ka dambeeyay uu shalay Axmed Madoobe gaaray magaalada Nairobi.

Sidoo kale Khilaafka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa kasoo bilowday shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee bishii October 2024, markii la isku mari waayey ajandayaashii la xiriiray guddigii doorashada iyo in doorashooyinka qof iyo cod lagu soo doorto madaxda maamullada, iyadoo xilligaas uu Axmed Madoobe ku dooday in doorashooyinka maamullada ay gooni u qabsadaan, halka Villa Soomaaliya ay ku adkeysaneysay hal guddi doorasho oo ay dowladda federaalku gacanta ku hayso inay qabtaan doorashada labada heer, waxaana markaas wixii ka dambeeyay khhilaafkaas uu isu bedelay dagaallo culus oo ka dhacay Raaskambooni bishii December 2024 iyo Beledxaawo July 2025, taas oo keentay in ciidamo labada dhinac ah ay xadka Soomaaliya iyo Kenya ka tallaabaan.

Haddaba waxaa isweydiin mudan: maxay tahay danta Dowladda Kenya ee ay ka leedahay in ay waqtigan dhexdhexaadiso labada dhinac, iyadoo la ogyahay inay hore uga caga-jiidaysay?

Mala dhihi  karaa Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo gaaray marxalad aqbalaadda dhex-dhexaadinta isaga iyo Madaxweeyne Axmed Madoobe, mise dowladda Kenya ayaa ka cabsi qabta dhismaha Jubbaland-ta cusub oo DFS ay qaban qaabadiisa ka wado Magaalada Garbahaareey ee G/Gedo?

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*