October 7, 2025

Maxaa Ka Jira in Trump inuu aqoonsanayo dowladd Cusub ee falastiin?

President Donald Trump and President of the Palestinian National Authority Mahmoud Abbas shakes hands as they meet, Wednesday, May 3, 2017, in the Oval Office of the White House in Washington, D.C. (Official White House Photo by Shealah Craighead)

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo dhowaan safar ku tagi doona Sucuudiga iyo qaar kamid ah dalalka kale ee Khaliijka Carabta ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqi doono aqoonsiga dowlad madax-bannaan oo falastiiniyiintu leeyihiin, sida ay qorayso Warbaahinta Bariga Dhexe.

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa bishan dhexdeeda martigelin doonta shir-madaxeedka Mareykanka iyo dalalka Khaliijka,waxaana la isla dhexmarayaa ku dhawaaqis weyn oo ku saabsan dawlad Falastiini ah, iyo iskaashiga nukliyeerka ee Maraykanka iyo Sucuudiga u dhexeeya.

Booqashada Trump oo ah tii ugu horreysay ee uu ku tago dal shisheeye taniyo markii uu Xaafiiska la wareegay horraantii sanadkan ayaa isha lagu wada hayaa, ayadoo Mareykanka uu dalalka gobolka la geli doono heshiisyo waaweyn oo balaayiin doollar ku kacaya.

Shir madaxeedka Mareykanka iyo dowladaha Khaliijka oo Sucuudigu marti galinayo ayaa waxaa ka horeeyay saadaalo badan oo la xariira ku dhawaaqis uu Trump ku tilmaamay oo mid muhiim, xilli Talaadadii uu kula kulmay Ra’iisal wasaaraha Canada, taas oo lagu wado inuu ku aqoonsado falastiin.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli maamulka Trump la sheegay inuu xariirka u jaray Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, islamarkaana uu heshiis la galay kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen oo si joogto ah weerarro gantaallo ah uga geysta dhulka la haysto.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*