
Wararka Horu dhaca ah ee soo baxaya , ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan oo deegaanka ah xoog ku koreen markabkii siday hubka iyo gaadiidka nuuca dagaalka ee ciidamada badda maamulka Puntland ku qabteen xeebta degmada Bareeda ee Degmada Raascaseyr.

Maleeshiyaadka hubeysan, ayaa la sheegay in markabka kala dageen hub fudud oo saarnaa una badnaa qoryo nuucyo cusub ah oo Turkiga ugu tala galay ciidanka Soomaaliya, waxaana hubkaasi kala degay lagu arkay deegaanno katirsan Puntland.
Markabka lagu magacaabo Sea World ee laga leeyahay Turkiga, ayaa lagu qabtay biyaha Xeebaha Maamulka Puntland , waxaana markabka la sheegay in ay saaran yihiin gaadiidka dagaalka , gaar ahaan nuucyada loo yaqaan beebaha oo casri ah , hub iyo saanad kale oo milatari.
Waxaana la isweydiinaya sida ay maleeshiyaad ku qaadan karaan hubka saaran markaba ay ilaalo ka hayeen ciidamada Maamulka Puntland oo gacanta kusoo dhigay, walina ma cadda tirada hubka maleeshitaadka kala dageen markabka hubka waday.
Maamulka Puntland, ayaan wali si rasmi ah uga hadlin markabka ay ciidankooda qabteen, sidoo kale ma jiro wax war ah oo laga soo saaray ilaa hadda boobka la sheegay in loo geestay markabka hubka siday loogana qaatay qaar kamid ah hubkii fududaa uu waday.
Si kastaba ha ahaatee Arrinka ayaa naqaya Markii labaad ee Hub ay boobaan qabaailo somaliyeed Inkastoo la leeyahay Hubkaasi waxa uu u socday Dowlada Federalka ah Mana u muuqato kuwa Maareeyn kara ama sugi kara Amniga Hubka soo galaya Dalka inkastoo la sheegay Hubkii Hore ee lagu dhacay Cabudwaaq uu ka yimid itoobiya Balse ay ka gaabsadeen Dowlada Somaliya Hadana Markabka ay Maamulka Puntland Gacanka ku Dhigeeyn ay ka gaabsadeen Waxa aad Moodaa In meesha uu ka jiro Siyaasad Xumo Dhanka Maareeynta Hubka.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag