November 3, 2025

Maxaa Ka Jira In Magaalada Kismaayo uu Ka Dhici Doono Shir u dhaxeeyay Mucaaradka Iyo …..

Sida ay wararka Sheegayaan  in siyaasiyiinta mucaaradka ah ee dowladda federaalka iyo madaxda maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ay maalmaha soo socda ku kulmi doonaan magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in dhinacyadu ay hore u magacaabeen gudi farsamo oo ka shaqeynaya diyaarinta shirweynaha, gudigaasna uu hadda ku sugan yahay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaas oo lagu diyaarinayo ajandayaasha rasmiga ah ee shirka.

Shirweynaha lagu wado in uu ka dhaco Kismaayo ayaa diiradda lagu saari doonaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, dooda wax ka beddelka dastuurka, iyo khilaafka doorashooyinka iyo xiliga kala guurka ah ee Soomaaliya wajahdo.

Madasha mucaaradka ee la filayo in ay kulanto ayaa la sheegay in ay asalkeedu ka timid kulan hore oo magaalada Nairobi ku dhex maray madaxweynayaasha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), kuwaas oo khilaaf siyaasadeed kala dhexeeyo dowladda federaalka.

Kulankaas kadibna waxaa madasha kusoo biiray siyaasiyiin hore ugu jiray Madasha Samatabixinta, oo qaar kamid ah saaxiibo dhow la ahaa madaxda Villa Soomaaliya.

Kulanka Kismaayo ayaa imanaya xilli ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in la isu soo dhaweeyo madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe, si xal waara looga gaaro khilaafka labada dhinac ee soo jiitamayay.

Dowladda federaalka ayaa dadaal ugu jirta sidii loo yareyn lahaa khilaafaadka siyaasadeed ee saameyn kara xiliga kala-guurka ah, iyadoo ka baqeysa in xiisadahaasi ay keeni karaan xaalad qalalaase siyaasadeed oo cusub.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*