
Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa wada dadaal diblomaasiyadeed oo lagu xallinayo ismariwaaga siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda DFS iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka.

James Swan ayaa la kulmay Madxaweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni, isagoona ku qanciyay in uu ka qeyb galo shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maalinta Isniinta ka furmaya Muqdisho. Todobaadkii hore, wuxuu kulamo kan la mid ah la yeeshay madaxda Maamullada Koonfur Galbeed iyo Galmudug.
Waxaa lagu wadaa in uu kulan la yeesho Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe oo maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo.
Inkastoo hoggaanka Dowladda Federaalka looga fadhiyay qabashada howshan, haddana Wakiilka Qaramada Midoobay ayay huri waysay in uu qaato mas’uuliyad u muuqata in loo wakiishay, islamarkaana uu isu soo dhoweeyo mas’uulyiin muddo is-diidanaa.
Talaabada uu qaaday James Swan ayaa u muuqata mid daba socota shir dhowaan ka dhacay dalka Uganda, kaasi oo qodobadii ka soo baxay midkood lagu dalbaday hanaan lagula socdo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee Madaxweene Xasan oo la is lahaa saaxada siyaasada wax wanaagsan ayuu ku soo kordhinayaa ayaa qaatay wadadii uu Horay u soo maray Madaxweeyne Farmaajo Mid ka sii xun waana nasiib daro weeyn in uu sidaan u dhaqmo Madaxweeyne Xasan Shiikh.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag