December 1, 2025

Maxaa Ka Jira In Maamulka Puntland ay soo iibsadeen diyaarado nuuca dagaalka ah?

Warar laga helayo maamulka Puntland ayaa Sheegaya in ay  soo iibsadeeyn  diyaarado nuuca dagaalka ah , kuwaa oo loo adeegsanayo sirdoonka iyo  duqeymaha ka dhanka ah kooxaha argagaxisada ah ee Daacish ee ku sugan buuraha gobolka Bari.

Saraakiil katirsan maamulka Puntland, ayaa xaqiijiyay in maamulka Madaxweeyne Siciid Deni soo iibsadeen diyaarado Puntland u adeegsaneyso duqeymaha kooxaha argagaxisada ah, waxa ayna diyaaradahan kaalin wen ka qaadan doonaan howlgalka ka socda buuraha Calmiskaad.

Xogtaan  , ayaa sheegeysa in Puntland soo iibsatay afar diyaaradood oo nooca dagaalka ah, kuwaa oon la shaacin dalka laga soo iibiyay , waxaana diyaaradahaasi labo kamid ah laga dejiyay magaalada Boosaaso, kuwaa oo qeyb ka noqon doona howlgalka ka socda buuraha Calmiskaad .

Ciidamo katirsan Puntland, ayaa loo tababary adeegsiga diyaaradahan nuuca dagaalka ah ee maamulka soo iibsday, waxa ayna diyaaradahan caawin doonaan ciidamada difaaca Puntland ee wada howlgalka dhinaca lugta ah, halka diyaaradahan fulin doonaan duqeymo dhinaca cirka ah.

Dowladaha Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta, ayaa Maamulka  Puntland si weyn uga taageerayay howlgalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda buuraha Calmiskaad, waxa ayna diyaarado dagaal oo labadan dal leeyihiin duqeymo dhowr ah ka fuliyeen buuraha ay gabaadka ka dhiganayaan Daacish. 

Si kastaba ha ahaate  Maamuladii la midka ahaa HirShabelle  Waxa ay Tiigsanayaan Horumar halka HirShabelle ay ku Horumareen isku dirka Bulshada Iyo Dhigashada Isbaarada Waana maamul ka haray Maamulada la mid ah.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*