
Dowladda Imaaraadka Carabta oo ka walaacsan saamaynta sii kordhaysa ee Turkey ku leeyahay geeska Africa gaar ahaan Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed u soo bandhigtay in ay kiraystaan saldhig milatari oo Imaaraadku ka dhisay Berbera.

Somaliland oo lagu wargaliyay in Itoobiya laga kiraynayo Saldhiga ayaa ogolaatay waxaana la isku raacay in heshiis lagu dhamaystirayo qorshahaan madaxweyne Cirro ku tago Adis Ababa meeshana laga saaro magaca Imaaraadka heshiiskana lagu cadeeyo Itoobiya iyo Somaliland.
Imaaraadku isagaa maamula dekada waxa uuna kula wareegay heshiis uu la galay Somaliland, sawir lagu qaaday dayac gacmeed waxaa laga arki karaa dhismaha saldhiga milatari ee lagu kordhiyay dekada.
Laba dhinac oo u qalab qaatay fulinta qorshahaan ayaa Itoobiya codsatay in dib loogu dhigo saxiixa heshiiska si ay dowlada Turkey ugu wargaliso go’aankeeda, Turkay ayaa Somalia ku wargaliyay qorshaha waxa uuna waydiiyay Soomaaliya qorshe Itoobiya bada ku gaari karto oo lagula gorgortamo si meesha looga saaro heshiiska Berbera.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u diray wasiirka Dakadaha Soomaaliya Cabdulqadir Maxamed Nuur dalka Turkey kaas oo la soo shiray wasiirka arrimaha dibada iyo madaxweynaha Turkey. Sida aan xogta ku helnay Jaamac ayaa Turkida u sheegay in ay diyaar u yihiin Dekado ganacsi oo kaliya. Isla Turkey ayaa Qatar ka codsaday in ay soo faragaliso qadiyada oo ay u yeerto Cirro si ay cadaadis ugu saarto in uusan ku fududaan heshiiskaas.
Wasiir Jaamac oo ku soo laabtay Soomaaliya waxa uu durba ku wareejiyay madaxweynaha talooyinka uu haayo iyo waxa uu kala soo laabtay Turkey. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh markaan waxa uu arkay in xalku yahay sidii la iskaga difaaci lahaa qorshaha Itoobiya waxa uuna u safray Qaahira si uu dadajiyo heshiiskii difaaca ee Masar iyo Soomaaliya. Masar waxa ay balan qaad u samaysay Soomaaliya.
Itoobiya waxa ay safarka Xasan Sheekh ka dhex aragtay fursad ay ku baa’iso heshiiskii Ankara waxaana ay warbaahinta u qaybisay in heshiiskaasi fashilmay ayna ku dhaqaaqayso tilaabada xigta oo in ay u yeerto madaxweyne Cirro kalana hadasho fulinta heshiisyo cusub.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag