
Sida uu Maqaal ku qoray Qoraa Caan ah oo u dhashay Kenya laguna magacaabo Cyrus Nyakundi, ayaa cadeeyay in booliiska Kenya ay afduubteen kadibna dileen Maxamed Cali, oo ah qaxooti Soomaali ah.

Waxa uu sheegay in arrintan lagu fuliyay amar ka yimid shirkad cilmi-baaris ah oo lagu magacaabo Sahan Africa Limited, oo uu hoggaamiyo Mathew Bryden, sarkaal hore oo QM u qaabilsanaa Soomaaliya iyo Ereteriya.
Eedayntu waxay tilmaamaysaa in Maxamed Cali la beegsaday kadib markii uu diiday inuu la shaqeeyo shirkaddaas. Waxaa la sheegay in booliisku u adeegsadeen unugyo khaas ah oo hoos taga hay’adda DCI, waxaana lagu tuhunsan yahay inay fuliyaan dilal dad gaar ah oo ay laaluush ku qaataan.
Weli wax jawaab ah lagama helin booliiska Kenya iyo Bryden oo laga doonayay inuu ka hadlo eedeymaha dilkaan la sheegay in uu ka dambeeyay.
Mathew Bryden, ma ahan nin ku cusub dhagaha Somalida dowladii hore ee uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa isaga iyo shirkadiisa dalka ka mamnuucday maadaama uu cadaawad badan u muujiyay dowladnimada Somalia.
Dhanka kale Makii la doortay Madaxweeyne Xasan ayaa lagu Casuumay Calmeesaarka Madaxweeynaha sidoo kale Waxa uu ka qeeyb galay ka qayb galay caleema saarka madaxweyne Cirro.
Si kastaba ha ahaatee waxaa nasiib daro ah ruux kaa diiday in uu kula shaqeeyo in la dilo maxay tahay sababta ka danbeeyso waxaa la dhihi karaa in uu yahay qof ka haayay siro badan sidaana lagu qaarijiyay maskiink somaliyeed. mana jirto dowlad somaliyeed oo u doodeeysa marxuumka,
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag