Habeenkii Xalay Dowlada Iraan Waxa ay Weerar Cirka ah ku qaaday Dalka Israil maamusho saacadihii la soo dhaafay ay ku socdeen duqeymo xooggan oo ay Iran kaga jawaabayso weerar ay dhowaan Xukuumadda Netanyahu ku qaaday dalkeeda oo khasaare badan dhaliyay ayaa Mareykanku wuxuu sheegay in Israa’iil ay xaaladda halis ah gashay gantaallada Tehran awgood.

Sida uu sheegay Safiirka Maraykanka ee Israa’iil, Mike Huckabee ayaa sheegay in xalay ay ahayd habeen aad u adag gudaha Israa’iil, asagoo intaas ku daray in ilaa 5 jeer uu ku qasbanaaday inuu u cararo goobo gabaad ah oo gantaallada looga dhuunto.
Duqeymaha Iran oo isugu jira boqolaal gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa ka socda goob kasta oo kamid ah Israa’iil, waxaana jira khasaare dhimasho, burbur iyo hakad ku yimid adeeg walba oo nolosha muhiim u ah.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag