
NEW YORK TIMES ayaa heshay xog ku wajahan in Madaxweyne Trump uu go’aamiyey in weerar la qaadayo iyo , saanado Milateriga Mareykankana la geeyey saldhigyada weerarka laga qaadayo, hayeeshee nooca loo fulinayo ayaa wali horyaala Trump oo leh go’aanka kama dambeysta ah.
“Mareykankuna waa diyaar inuu caawiyo” ayuu yiri Trump.
Dhanka kale Madaxweyne Trump ayaa loo gudbiyey Noocyada weeraro lagu qaado dalka Iran, kuwaas oo lagu doonayo in lagu taageero dadweynaha doonaya in ay meesha ka saaraan xukunka ay toobiyaha u hayaan wadaada 40-ka sano ka badan haya Talada Iran.
Xoghayaha dagaalka ayaa u sheegay wariyayaasha in ay ka go`an tahay isbedel laga sameeyo Iran, kaas oo loo raacayo rabitaanka dadweynaha oo banaanbaxyo dhigaya, markii u adkeysan waayeen xaalka taagan.
“Iran waxay u muuqataa inay wajahday xorriyad, laga yaabee sidii hore aan loo arag,” ayuu Trump ku qoray baraha bulshada Sabtidii.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag