War saxaafadeed ka soo baxya Waaxda Maaliyadda Mareykanka u qaabilsan Maalgelinta Argagixisada Dowladda Mareykanka ayaa cunaqabatayn ku soo rogtay 15 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ka howlgasha gudaha Soomaaliya, kuwaasoo lagu eedeeyay maalgelinta iyo taageeridda kooxda Argagixisada.

“Olole naxariis darro ah oo Al-Shabaab ay ku hayso shacabka Soomaaliyeed, sida lacagaha qasabka ah ee laga qaado beeralayda iyo afduubka shacabka, ayaa wali wiiqaya xasilloonida guud ee gobolka, Tallaabada adag ay qaadday TFTC waxaa loogu talagalay in lagu jaro xiriirka Al-Shabaab ay la leedahay nidaamyada dhaqaalaha ee gobolka iyo kuwa caalamiga ah, kuwaas oo ay ku tiirsan tahay si ay u maalgeliso rabshadaha, u qorshayso weerarrada, una joogteyso howlgalladeeda.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay ” Waaxda arrimaha maal-gelinta argagixisada ee Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka.
15-ka qof ee la bartilmaameedsaday ayaa ka howlgala gobollada Shabeellaha Hoose, Jubada Hoose, iyo Jubada Dhexe ee Soomaaliya, iyagoo door muhiim ah ka haya qaab-dhismeedka maaliyadeed iyo howlgal ee kooxda. Howlahooda waxaa kamid ah:
Warbixinta ayaa waxaa lagu soo bandhigay magacyada maleeshiyaadka Al-shabaab ee cunaqabateynta lagu soo rogay.
Mareykanka ayaa ku bixiyay in ka badan $2.5 bilyan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo aan wax badan laga gaarin natiijo la taaban karo.
Xarunta Bartilmaameedka Maalgelinta Argagixisada (TFTC), oo ah isbahaysi awood badan oo ka kooban toddobo waddan, ayaa ku dhawaaqday tallaabadan wadajirka ah, taasoo noqonaysa markii siddeedaad ee tallaabo noocaan ah la qaado, si loo ciriiriyo dhaqaalaha kooxda.
Dhanka kale TFTC, oo la asaasay bishii Maajo 2017, ayaa isku keenta Maraykanka iyo dalalka xubnaha ka ah Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC), kuwaas oo kala ah: Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Cumaan, Kuwayt iyo Qadar. Ujeeddada isbahaysigan ayaa ah inuu hakiyo maalgelinta argagixisada, isagoo adeegsanaya cunaqabateyn bartilmaameed ah, wadaagga xogta sirdoonka iyo kobcinta awoodaha.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag