October 7, 2025

Mareeykanka Oo Fuliyay Duqeeyn ka dhanka ah kooxda Daacish ee Soomaaliya

A RAF Reaper UAV (Unmanned Aerial Vehicle) is pictured airborne over Afghanistan during Operation Herrick. It is armed with a full complement of two GBU-12 226kg (500lb) laser-guided bombs and four Lockheed Martin AGM-114P Hellfire air-to-surface missiles. The MQ-9 Reaper is a medium-to-high altitude, long endurance remotely piloted aircraft system. The MQ-9's primary mission is to act as an intelligence, surveillance and reconnaissance (ISR) asset, employing sensors to provide real-time data to commanders and intelligence specialists at all levels.

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa duqeyn cirka ah ka fuliyay gobolka Puntland ee Soomaaliya, iyagoo beegsaday kooxda Daacish (ISIS-Somalia).

Duqeyntan oo ay si wadajir ah u fuliyeen AFRICOM iyo dowladda Soomaaliya ayaa lagu bartilmaameedsaday dhowr xarumood oo Daacish ay ku lahayd Puntland.

War-saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeynta ay ka dhacday bariga magaalada Boosaaso, isla markaana lagu dilay tiro dagaalyahanno ka tirsan Daacish, iyadoo aan waxyeello soo gaarin dad rayid ah.

Weerarkan ayaa daba socda duqeyn kale oo Mareykanku uu ka fuliyay Soomaaliya laba maalmood ka hor, taasoo qeyb ka ahayd dadaallo ballaaran oo lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada.

Sabtidii ayaa sidoo kale duqeyn lala beegsaday kooxda.

Sidoo kale, bishii February, duqeymo Mareykanku fuliyay ayaa lagu dilay xubno muhiim ah oo ka tirsan Daacish, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Puntland.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*