October 7, 2025

Mamulka Somaliland oo cambaaraysay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee la geeyay gobolka Sanaag

Maamulka Somaliland ayaa si adag uga soo horjeestay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee la geeyay qaybo kamid ah gobolka Sanaag, waxayna sheegtay in cawaaqibka arrintaasi ka dhasha uu dusha saaran doono Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Somaliland, Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa yiri: “Ninka Moqokori ay Al Shabaab ka qabsanayso ee aan xasillin karin ammaanka Muqdisho, ayaa Sanaag ciidan u diraya – waa wax laga xishoodo. Waxaanu leenahay: cawaaqibka ka dhasha cid kula qaadan mayso ee adaa yeelan doona.””Waxaanu ku waaninaynaa oo aanu ugu baaqaynaa in uu faraha kala baxo waxa aan loo diran loona dooran ee uu faraha kula jiro. Somaliland xuduudeeda iyadaa iska leh,” ayuu Wasiir Ayaanle hadalkiisa sii raaciyay.

Waxa uu sheegay in ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay gadood sameeyeen shalay sababo la xiriira mushaar la’aan, taas beddelkeedana dhaqaalihii beesha caalamku siisay dowladda Soomaaliya loo isticmaalayo in lagu weeraro deegaano nabad ah. Waxa uu beesha caalamka ugu baaqay in ay fiiro gaar ah u yeeshaan lacagaha ay siiyaan dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale, waxa uu sheegay in Mamulka Somaliland ay ka shaqaynayso sugidda amniga gobolka Sanaag wax kasta oo ay ku kacayso, isla markaana ay dhigtay gogol nabadeed oo lagu walaalaynayo dadka gobolka wada dega.

“Nabadii iyo is-ixtiraamkii dadka deegaanka wada degaa ay ku wada noolaayeen waa naga diyaar. Meel uu kasoo galo Xasan Sheekh ugama banaana, ayaanu leenahay,” ayuu yiri Wasiir Ayaanle.

Waxa kale oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay in uu doonayo in uu hor istaago aqoonsi uu sheegay in Somaliland helayso, isaga oo xusay in aqoonsigu uu dhaafay xilligii lagu joojin karayay awood ama colaad. “Cid aqoonsiga baajin karta maanta ma jirto, waxaan leeyahay colaad hor leh ha ina dhex dhigin,” ayuu yiri.

Dowladda Soomaaliya ayaa toddobaadkan ciidamo soo dhoobtay deegaano ka tirsan gobolka Sanaag, halkaasi oo la sheegay in la doonayay in lagu qabto shir ay dowladda Soomaaliya dabada ka riixaysay, oo looga dan lahaa in lagu mideeyo gobollada Sool iyo Sanaag, si ay ugu midoobaan hal maamul oo ay wada leeyihiin.

Maamulka SSC Khaatumo oo kaashanaya dowladda federaalka ayaa  deegaanada gobolada Sanaag iyo Sool loo dhiso maamul cusub.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*