
Wasaaradda Amniga ee Maamulka SSC-Khaatumo ayaa sheegtay in Ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland ay weerar ku qaadeen dad reer guuraa ah ee ku nool deegaanka Daanweyne ee gobolka Sanaag.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in weerarkan oo ay fuliyeen Askarta Somaliland lagu dilay lana dhaawacay dad rayid ah, kuwaas oo ahaa dad nabad ku dhaqan.
“Weerarkan uu khatar weyn ku yahay dadaallada nabadeynta ee uu hoggaaminayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana uu yahay duullaan cad oo lagu wiiqayo midnimada iyo xasilloonida gobolka” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Amniga SSC Khaatumo.
Sidoo kale Wasaaraddu waxay ugu baaqday beesha caalamka, gaar ahaan Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha, in si degdeg ah loo baaro weerarkan, lana xisaabtamo kuwii ka dambeeyay.
dhanka kale Weli maamulka Somaliland kama hadlin eedeynta ay u jeediyeen SSC Khaatumo.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag