
Wararka laga helayo dowlad deegaanka somalida Itoobiya ayaa sheegay Ku dhawaad 9 qof oo labada dhinac ah ayaa ku geeriyooday, halka toboneeyo kalena ay ku dhaawacmeen dagaal xalay soo gaaray oo ka dhacay degaan lagu magacaabo Bali-daleel ee duleedka Santarka dalanbiya ee Degmada shilaabo ee gobalka Qoroxeey Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Sidoo kale Dagaalkaan oo daba socda dilal ka dhacay maalmihii ugu dambeeyay Deegaankaasi ayaa waxaa jiray gurmadyo xooggan oo ay ka kala helayeen dhinacyada dagaalamay.
Dhinaycada ku dhaawacmay dagaalkii cuslaa ayaa waxaa loo kala qaaday degmooyinka Guriceel iyo Shilaabo
Wali laamaha amniga Dowlad deegaanka Soomaalida kama aysan hadlin colaadaan ka aloosan deegaanadaasi.
Xaaladda deegaanka Bali daleel ayaa haatan kacsan waxaana mar kasta laga filaan karaa dagaal kale oo dhexmaray maleeshiyaadka dagaalamay.
Dhanka kale ma jiro ciidan ka socda dowlad deegaanka somalida itoobiya Oo kala dhex galay dhinacyada dagaalamaya waxaa nasiib daro ah meel kasto ay somali degto waa is dileeysaa mana yaqaanaan xurmada bisha ramadaan inkastoo uu walaalkaa dhiigiisa xaaran yahay in la daadiyo.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag