October 7, 2025

Madaxweyne Xasan”Waan Ku Adkeeysanayaa In Dorashada Waqtigeeda Ku Dhaceyso”

 Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku adkeystay inuusan qorsheynayn muddo kordhin, isagoo ballan qaaday in doorasho waqtigeeda lagu qaban doono.

Xasan Sheekh ayaa sheegay inuusan welwel ka qabin waqtiga xukunkiisa, isagoo cadeeyay in xilkiisu ku egyahay 15-ka May 2026, islamarkaana uu diyaar u yahay inuu xilka si nabad ah u wareejiyo haddii doorasho guul darro ku dhammaato.“

Aniga waxaa la i doortay 15-kii May 2022, teeramkayguna wuxuu ku egyahay 15-ka May 2026. Waxaan rabaa inaan doorasho ku qabto muddadaas, laakiin wixii mustaqbalka imaan kara ma sheegin,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh, oo wareysi siiyey BBC-da Soomaalida.

Madaxweynuhu wuxuu rajo ka muujiyey in khilaafka u dhexeeya dowladda iyo qaar ka mid ah maamulada xubnaha ka ah dowladda uu dhowaan dhammaan doono, isaga oo tilmaamay in xiriirro aan toos ahayn ay ka jiraan labada dhinac. Wuxuu intaa ku daray in Dowladda Federaalka ay wax badan ka tanaasushay si loo xoojiyo wada shaqeynta dowlad goboleedyada.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay in labada maamul ee Puntland iyo Jubbaland lagu soo dhaweeyo miiska wada-hadalka si loo gaaro doorasho loo dhan yahay.

Madaxweeyne Xasan Sheekh ayaa xusay in doorasho qof iyo cod ah iyo dhameystirka dastuurka dalka ay ka mid yihiin ballanqaadyadii uu hore ugu sameeyey Baarlamaanka, isla markaana uu hadda ku guda jiro hirgelintooda.

 

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*