November 21, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu wado inuu Safar Rasmi ah ku Tego Algeria

Madaxweynaha  Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa toddobaadkan ku wajahan dalka Algeria, halkaas oo ay uga bilaaban doonto booqasho rasmi ah oo uu kula kulmi doono hoggaanka sare ee dalkaas, si loo xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Inta lagu jiro booqashada, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu la kulmo Madaxweynaha Aljeeriya, Cabdalmajiid Tebboune, si ay uga wada hadlaan xaaladda xiriirka labada dal, iskaashiga diblomaasiyadeed, iyo arrimaha danaha guud ee labada dhinac.

Ilo-wareedyo diblomaasiyadeed ayaa xaqiijiyey in kulammadaasi diiradda lagu saari doono xoojinta iskaashiga istiraatiijiyadeed iyo ballaarinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Algeria.

Safarkan Madaxweynaha ayaa  muujinaya dadaalka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan inay si firfircoon ula falgasho waddamada Carabta, xilli uu gobolka Geeska Afrika iyo dunida Carabta ay ka socdaan isbeddello siyaasadeed oo muhiim ah. 

Sidoo kale Arrintan ayaa ka tarjumeysa sida Soomaaliya uga go’an tahay dhisidda xiriir adag oo ku dhisan dan wadaag iyo iskaashi togan.

Xiriirka Soomaaliya iyo Algeria ayaa si degdeg ah u soo cusboonaaday sanadihii u dambeeyay, Bishii Agoosto 10, 2025, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa booqasho rasmi ah ku tegay Algeria, halkaas oo uu kula kulmay dhiggiisa Axmed Ataf.

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada difaaca, amniga, waxbarashada, tababarka diblomaasiyadeed, iyo xoolaha nool.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*