
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu ambabo dalka Turkiga, isaga uu halkaasi kula kulmi doono madaxda ugu sareysa ee dalkaasi.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu dalka Turkiga u tagayo si uu saxiixo heshiis cusub oo Soomaaliya kula wareegayso diyaarado dagaal iyo gadiidka gaashaaman ee ciidan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in madaxweyne Xasan Sheekh uu Madaxweynaha dalka Turkiga iyo madaxda sare ee shirkadda sameysa diyaaradaha Turkiga ee Bayraktar, la galo heshiisyo ku saabsan howlgelinta diyaaradaha cusub ee Soomaaliya la keenay oo labo nooc oo casri ah, kuwaas oo ugu yaraan seddax xabo ah.
Maadaama aan wali si faahfaahsan loo ogeyn nooca heshiisyada la kala saxiixanayo, iyadoo ay xusid mudan tahay in dowladda Soomaaliya si weyn u doonayso in laga taageero gantaalaha ay diyaaraduhu ku ridayaan goobaha ay ku dhuumaaleystaan maleeshiyaadka Al-shabaab iyo Daacish iyo xoojinta tababarada la siiyo askarta Soomaaliyeed.
Sidoo kale Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa raadinaya in taageero caalami ah loo helo duqeymaha lala beegsanayo maleeshiyaadka Al-shabaab.
Dhanka kale wararka kale ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya uu u safri doono dalka Itoobiya.
Ugu danbeeyntii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maalmihii ugu dambeeyay waday abaabul dagaal oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku sugan deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag