October 7, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb

Madaxweynaha dowladda  Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka ah iyo saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ayaa soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad-goboleedka Galmudug.

Madaxweyanaha ayaa  sii diirran loogu  soo dhaweeyey;Magaalada Dhuusamareeb waxaana ku soo dhaweeyay  Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Kuxigeenkiisa Mudane Cali Daahir Ciid, Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Wakiillada Galmudug, bulshada iyo odeyaasha dhaqanka.

Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya  ayaa inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb waxa uu kulammo la leeyan doonaa Madaxda Galmudug iyo qaybaha bulshada, isaga oo xarigga ka jari doona mashaariic horumarineed oo laga hirgaliyey Galmudug.

Sidoo kale, Safarka Madaxweynaha ayaa ku saleysan dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, iyadoo uu xoogga saari doona abaabulka bulshada iyo dhiirri gelinta ciidamada naftooda u huraya xoreynta dalka.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*