November 1, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Billad Sharaf Qaran ku maamuusay madaxweynaha dalka Jabuuti

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xalay Bilad Sharaf Qaran ku maamuusay dhigiisa dalka Jabuuti Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Biladd sharaftan Qaran ay tahay mid astaan u ah walaaltinimada, iskaashiga iyo ixtiraamka ka dhexeeya labada shacab ee Soomaaliya iyo Jabuuti. 

Madaxweeyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey madaxweynaha dalka Jabuuti dadaalka, taageerada iyo garab istaagga joogtada ah ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uu u muujiyey mudada uu hayo hoggaanka dowladda Jabuuti.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay madaxweyne Xasan Sheekh in shacabka Soomaaliyeed ay xusayaan miro dhalkii Shirweynihii Nabadda ee Carta ee dib u dhiskii dowladnimada Soomaaliya.

Billad sharafta Qaran ee la guddoonsiiyay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa timid, kadib markii Shalay magaalada Carta ee dalka Jabuuti lagu qabtay munaasabadda xuska shirweynihii Carta ee taariikhiga ahaa ee dib loogu yagleelay dowladnimada Soomaaliya sanadkii 2000.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*