
Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xarunta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka Suudaan, G/Sare Axmed Ibraahim Cali Mufadal, oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Korneyl Mufaddal ayaa Maxaxweynaha Soomaaliya soo gaarsiiyey dhambaal uu ka siday Guddoomiyaha Golaha kumeel gaarka ah ee dalka Suudaan, Cabdifitaax Al-Burhan, kaas oo ku saabsanaa dib u xaqiijinta sida ay Sudan uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee kala dhexeeya Soomaaliya.
Kulanka dhax maray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Agaasimaha Sirdoonka dalka Sudan ,waxaa goobjoog ahaa Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA, Mudane Mahad Maxamed Salaad.
Dowladda Soomaaliya, ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageersan xukunka milatariga Sudan, waxa ayna Soomaaliya cambaareysay marar kala duwan weerarada iyo dhibaatada ay dalka Sudan u horseedeen kooxda gurmadka deg degga ee dagaalka kula jira Milatariga Sudan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag